804 Views

Banaan bax rabshada wata oo goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho

Banaan bax rabshada wata oo goordhaw ka bilowday magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Waxaa goordhaw banaan bax rabshada wata oo ay dhigayaan dhalinyaro u badan kuwa kaxeeya mootada loo yaqaan bajaajta uu ka socda Isgooska Dabka ee magaalada Muqdisho .

Banaan baxan ayaa yimid kadib markii askari katirsan ciidamada taraafikada uu halkasai ku dilay nin darawal mooto bajaaj ahaa, waxaana falkaasi dilka ka carooday dhalinyarada ku shaqeesata mooto bajaajta.

Dadka dhigaya banaan baxa ayaa isgooska ku xiray mootiiyin iyaga oo diiday in halkaasi gaadiid maraan, waxaana mararka qaar dhagxaan ku tuurayaan ciidamada iyo gaadiidka ay wataan ee halkasai kasoo dhawaada

Dhalinyarada banaan baxa dhigaysa ayaa ku qeylinaya ereyo ka dhan ah ciidanka dowlada ay ku eedeeyeen in si micno daro ah u dilaan shacabka, waxa ayna ku baaqeen in askariga dilkan geestay lasoo qabto lana horgeeyo cadaalada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post