1029 Views

Puntland oo karantiishay dad looga shakiyey COVID19

Puntland oo karantiishay dad looga shakiyey COVID19
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa shaaciyey inay karantiileen 7 Ruux oo looga shakiyey inay qabaan Cudurka COVID-19.

 

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dadkaasi laga shakiyey ee Karantiilka ku jira dheecaan laga qaaday ay baaritaan u direen,isla markaana ay sugayaan jawaabta baaritaan soona gudbin doonaan.

Guddiga ayaa waxaa ay ka codsadeen Shacabka deegaannada Puntland in aysan qarsan Cudurka,sidoo kalena looga baahan yahay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment