480 Views

UNHCR oo sheegtay in toban million oo reer Ukraine ah ay haatan ka carareen guryahoodii burburka ka dhashey dagaalka

UNHCR oo  sheegtay in toban million oo reer Ukraine ah  ay haatan ka carareen guryahoodii burburka ka dhashey dagaalka
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

 Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, ayaa sheegtay in toban million oo reer Ukraine ah, ay haatan ka carareen guryahoodii burburka ka dhashey dagaalka.

In ka badan saddex toddobaad tan iyo markii uu Ruushku soo duulay, ku dhowaad saddex million iyo bar oo qof, ayaa ku qasbanaadey iney dalkani isaga baxsadaan, halka inta kale ay magan galyo ka raadsadeen meel kale oo gudaha Ukraine ah.

Tirakoobku waa qiyaastii afar meelood meel tirada dadka dalka Ukraine.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in baahiyaha bani’aadanimo ee gudaha Ukraine ay noqonayaan kuwo si degdeg ah isu soo taraya, iyadoo ku tilmaantey xaaladaha magaalooyinka godoonsan sida Mariupol iyo Sumy iney yihiin mid aad u daran.

Waxaa la sheegay in weerarada lala beegsadey kaabayaasha rayidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha in taasi ay halis galineyno nolosha kumanaan qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post