954 Views

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Madaxweyne Ku-xigeenka Mamulka  Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Maanta oo Arbaco ah shir guddoomiyay shirka amniga Gobolka Hiiraan, kaas oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa  guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha Booliska Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisoow Xasan, Saraakiisha Amisom qeybahooda Jabuuti iyo Itoobiya iyo saraakiisha Ciidanka xoogga dalka.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in la iska wareystay  Xaaladda degmada Buulo-burde  iyo qaabkii loo dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo guddoomiyaha degmada Feysal Haajir Aadan.

Taliyaha Booliska Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle uo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa warbixin la xiriirta xaalada amni ee Gobolka Hiiraan waxaa ay siiyeen  Madaxweyne Ku-xigeenka Mamulka  Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Madaxweyne Kuxigeenka Hir-shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Hiiraan.

Shirka looga hadlayay Amniga ee Maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Janeraal Xuud uu 48 saacadood u qabtay Madaxda HIR-Shabeelle uga sugan Beledweyne inay uga baxaan.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post