522 Views

Majaajiliiste Chris Rock oo markii ugu horreysay ka hadlay dharbaaxadii lagu dhuftay

Majaajiliiste Chris Rock oo markii ugu horreysay ka hadlay dharbaaxadii lagu dhuftay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Chris Rock ayaa markii ugu horreysay meel fagaare ah lagu arkay tan iyo markii uu jilaa Will Smith dharbaaxay Axaddii xili ay socotay xafladda abaarmarinta billadda Oscar-ka ee sanadkan 2022-ka.

Isagoo booqasho ku joogo magaalada Boston ee dalka Mareykanka, ayaa majaajileystaha waxa uu taageerayaashiisa u sheegay inay “ wali ka dagi la’dahay sida ay wax u dhaceen.”

Rock, oo ay si diiran u soo dhaweeyeen taageerayaashiisa ayaa sidoo kale beeniyay warar ay baahisay warbaahinta Mareykanka oo sheegaya inay Smith iyo isaga wada hadleen ka dib dhacdadii Axadda.

Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegayay in maamulayaasha xafladda Oscar ay Will ka dalbadeen inuu isaga baxa hoolka kadib markii uu dharbaaxay Rock, balse u diiday.

Ka hor inta aysan dhicin xafladda la qabtay maalintii Axadda, waxaa si weyn loo filayay in Will Smith uu ku guuleysan doono billaddiisii ugu horreysay ee Oscar-ka oo abid uu helo, taasoo uu ku muteystay bandhigga uu ku sameeyay filimka uu aabaha u yahay Venus iyo Serena Williams ee lagu magacaabo King Richard.

Hase yeeshee, waxa aan la fileynin ayaa ahaa in uu taariikhda ku geli doono sabab aad uga duwan middaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post