945 Views

Cabdullahi Keynaan “200 neef oo lo’ ah ayaa iga dhimatay muddo bil gudaheed’

Cabdullahi Keynaan  “200 neef oo lo’ ah ayaa iga dhimatay muddo bil gudaheed’
____________________________________________________________________________

 Axad: November 21, 2021

  

 Cabdullahi Keynaan oo kamid ah xoola dhaqatada ku nool degmada Dhoobley ee ee ku taalla soohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa muddo bil gudaheed ka dhintay 200 neef oo lo’ ah kadib aabaraha ba’an ee saameysay dadka iyo duunyadaba.

Cabdullaahi waxaa haatan usoo haray 20 neef oo lo’a ah oo ila daran baahida iyo biyo la’aanta baahsan ee ka dhalatay abaarta.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo sareen uga digay xaaladda abaaraha ka taagan qeyba ka mid ah dalka in ay ka dhalan karta saameyn ballaaran.

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda gargaarka Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in qiyaastii 2.3 Malyan oo qof ay haatan wajahayaan xaalad nololeed oo aad u adag, gaar ahaan biya la’aan iyo cunta yari baahsan.

“Qoysaska waxay luminayaan xoolahooda ay dhaqanayeen oo ah isha ugu muhiimsan ee nolosha waxaa laga yaabaa inay gaajo u dhintaan dadkaasi bilaha soo socda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahanyahay u istaagidda sidii looga hortagi lahaa in abaartan ay isu beddesha macluul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post