2178 Views

SAWIRO:-Arday Soomaali ah oo loo diiday Jaamacadaha Turkiga & Dowladda Somalia oo xal ka gaartay

SAWIRO:-Arday Soomaali ah oo loo diiday Jaamacadaha Turkiga & Dowladda Somalia oo xal ka gaartay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee DF Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Booqasho Shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Turkiga, waxaana Kulamada ku weheliyey Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo u Qeybsamaha Safaaradda Soomaaliya Arimaha Tacliinta , Hiddaha iyo Dhaqanka Cabdicasiis Cabdiraxmaan.

Wafdiga Wasiiru Dawlaha ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay Wasiirka Waxbarashada ee dalka Turkiga, Madaxda Hay’adda Tacliinta Sare ee Turkiga oo magaceeda loo soo Gaabiyo (YOK) iyo Masuuliyiinta Hey’adda Arimaha Diinta u qaabilsan Dawladda Turkiga.

Mudane Cabdiraxmaan ayaa sheegay in guulo laga gaaray Kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta kala duwan, wuxuuna uga Warbixiyey Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga Xaalada Waxbarasho ee Soomaaliya iyo Siyaasaadda iyo Qorsheyaasha Wasaarradda Waxbarashada , Dhaqan gelinta Heshiisyadii hore loo galay iyo Sidii Ardayda Soomaaliyeed looga Faa’iidayn lahaa Deeqaha Waxbarasho ee Turkiga.

 

Kulanka uu la yeeshay Hey’ada Tacliinta Sare ee Turkiga ayaa sidoo kale waxaa kasoo baxay go’aano miro-dhal ah, iyadoona Xal looga gaaray Culaysyo soo Wajahay Arday Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.

 

“Runtii Kulankeena wuxuu ahaa mid xooga saarayay Ardayda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Hey’adda Tacliinta Sare waxaanu ka wada hadalnay Sidii loo wada shaqayn lahaa Arrimaha Tacliinta Sare, Maadama ay dalkeena ka jiraan Jaamacaddo badan, Waxaana isla garanay in Ardayda hadda ku sugan Turkiga ee Waxbarashadu ka istaagtay, oo gaaraya ilaa 50-Arday in loo Ogolaado inay sii dhigtaan Jaamacaddaha Turkiga inta la soo cadeynayo Jaamacaddaha ay ka soo baxeen, waxaana Arintan loo yeelay Soomaalida oo keliya” ayuu yiri Wasiiru Dawladdaha Wasaaradda Waxbarashada DF Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle

 

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment