1017 Views

wafdi ka socda dowladda Turkiga oo ka Qeyb qadanaya Xaflad Gurmadkii turkiga 2011 oo Muqdisho ku soo wajahan

wafdi ka socda dowladda Turkiga oo ka Qeyb qadanaya Xaflad Gurmadkii turkiga 2011 oo Muqdisho ku soo wajahan
____________________________________________________________________________


khamiis: August 19, 2021

Waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay  soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Turkiga, kuwaasi oo ka qeyb geli doono 10 sano guuradii ka soo wareegatay markii Turkiga uu gargaarka u fidiyay shacabka Soomaaliyeed.


Wararka ayaa sheegaya in Wafdigaan uu hoggaamin doono, R/Wasaaraha dalka Turkiga iyo Wasiirka Arimaha Dibada Dalkaasi Meflaat Kafashoqlu,waxaana qeyb ka ah wafdiga xubno Saraakiil ciidan ah iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda Turkiga.


Marka ay Muqdisho soo gaaraan ayey kormeeri doonaan Saldhiga TURKISOM Ee Tababarka Ciidamada Soomaaliyeed lagu siiyo iyo safaarada ay ku leeyihiin Degmada Cabdi Casiis ee Muqdisho.


Tan iyo 2011-kii oo haatan laga joogo 10 sano Turkiga ayaa taageero siiyay Soomaaliya,waxaana Turkigu ay maamulaan xarumaha dhaqaalaha ugu badan Dawlada Kasoo gala sida Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan iyo Dekada weyn Ee Muqdisho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post