609 Views

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay doorashooyinka Soomaliland

Qaramada Midoobay oo War kasoo saartay doorashooyinka Soomaliland
____________________________________________________________________________

Axad February 7, 2021 

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, Urrurada Bulshada rayidka & Gudiga doorashooyinka.

Amb, James Swan waxaa uu sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta Somaliland uu kala hadlay shaqada Qaramada Midoobay ee Somaliland, sidii ay gacan uga geysan lahayeen wax ka qabashada arrimaha la taaban karo ee khuseeya dadka reer Somaliland

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland uu kala hadlay sidii waqtiga loo iclaamiyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & degaanka Somaliland ugu dhici lahaayeen, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan.

“Dhammaan Wadaagayaasha Somaliland, waxay rejaynayaan doorashooyinkaasi. Inay si wanaagsan u dhacaan, anagana rejaynaynaa in shaqada Guddiga doorashada fududaynayaan ay noqoto doorasho guulaysta dhammaadka bisha May ayuu yiri ” Danjire James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhawaan degaannada Soomaliland u tegay xalka gaarista khilaaf Shaqo oo Smaliland & Qaramada Midoobay soo kala dhex-galay, kaas oo ugu dambeyn la xaliyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post