1194 Views

Guddoomiye Mursal Oo Hay’adaha Amniga Faray In Baaritaan Deg Deg Ah Lagu Sameeyo Qarixii Ka Dhacay Goof-Gaduud

Guddoomiye Mursal Oo Hay’adaha Amniga Faray In Baaritaan Deg Deg Ah Lagu Sameeyo Qarixii Ka Dhacay Goof-Gaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 17, 2019 –Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dadkii ku geeriyooday Qarax ka dhacay Deegaanka Goofgaduud ee Gobolka Baay,waxa uuna Alle uga baryay dadkii halkaasi ku geeriyooday in jaxriistiisa jano uu ka waraabiyo intii ku dhaawacantayna uu Alle caafiyo.

Dadkan ayaa waxa ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii Al Shabaab ay miino ku aaseen suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Deegaanka Goofgaduud halkaasna markii ay dadkii ku ganacsanayay isugu yimaadeen ay ku qarxiyeen,inta la ogyahay 9 ruux ayaa ku dhimatay dad kaloo sodomeeyo ku dhowna waa ay ku dhaawacmeen.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha amanka in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan dhacdadaas dadka shacabka lagu laayay,isla markaana ragii ka dambeeyay cadaalada loo marsiiyo.

 

 

Xafiiska Qaranimo Online |Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment