2316 Views

Dowladda Sacuudiga oo dilkii Wariye Khashoggi kala kulantay Fadeexad weyn

Dowladda Sacuudiga oo dilkii Wariye Khashoggi kala kulantay Fadeexad weyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Dowladda Boqortooyadda Sucuudiga waxa ay qiratay dilkii Wariye Jamaal Khashuuqji oo noqday dhacdadii ugu weyd ee la hadal haayay maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii dowladda Sacuudiga la sheegay in wariyahaasi ay ku dhex dishay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istanbuul.

Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii xalay qiray in wariyaha lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul,laakiin wali lama hayo Meydkiisa,taasoo ka dhigeysa in la jarjaray sidii horay u sheegeen Saraakiil turkish ah oo Baritaano waday.

Qirashadda Sacuudiga ayaa timid ka dib markii ay la kulantay Caddaadis Ballaaran oo ku aadan dhanka Dhaqaallaha Markii Shirweyne Maalgashi oo lagu qaban lahaa Sacuudiga ay diideen in ay ka qeyb galaan ,Ganacsato waa weyn,dowladdo iyo Shirkado Caalami ah.

Haddaba dowladda Sacuudiga Maxay ka dhigan tahay  qirashadeeda, ma joojin doontaa Caddaadiskii lagu haayay, waxaa arintaan ka wareysanay Wariye Cabdalla Muumin oo ku sugan Nairobi oo ah Wariye si weyn ula socda Fadeexadda hadda soo wajahday Sacuudiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment