1896 Views

Maxay tahay sababta dowladdu u fulin la’dahay xukunada dilalka ah

Maxay tahay sababta dowladdu u fulin la’dahay xukunada dilalka ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 22, 2018 –Tan iyo Markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8-dii bishii February ee 2017-kii , Waxaa Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay riday xukuno kala duwan oo qaarkood lagu riday xubno ka tirsan Shabaab,Askar dishay Askar kale iyo kuwo dad Shacab ah dilay, laakiin ma jirin xukun la fuliyay oo ku aadan Shaqsiyaadkii dilalka lagu xukumay.

Fulinta dilalka ay xukunto Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo mara heerar kala duwan ,iyadoona marka ugu dambeysa laga doonaayo in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ku dhow 50 ayaa dhawaan ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diiday in uu saxiixo fulinta xukun lagu riday Askari horay u dilay Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Soo ifbixidda in uusan Madaxweyne Farmaajo saxiixin fulinta xukunadda dilka ah ee ay riday Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ayaa soo ifbaxday Markii Mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedyadda iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay shaaciyeen in ay arintaasi la xariirto Madaxweyne Farmaajo oo heysta dhalashadda Mareykanka, islamarkaana hadii saxiixo in uu la kulmi karo caqabad kaga timaada dhanka dalka labaad ee uu dhalashadda ka heysto ,Maadaama aan laga ogoleyn xukunada dilka ah.

 

W/Q:-Faysal Cabdulaahi 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment