1251 Views

Dad horleh oo Gobolada dalka ugu geeriyooday Cudurka COVID-19

Dad horleh oo Gobolada dalka ugu geeriyooday Cudurka COVID-19
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 84-kii saac ee lasoo dhaafay la baaray 1506, balse cudurka laga helay 124 Ruux.

Dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan  38 qof Somaliland, 22 Ruux Jubbaland iyo Hirshabelle min 20 Ruux, Banaadir 18 qofood halka Galmudug laga diiwaangeliyay 6 Ruux.

Bukaannada cusub 84 kamid waa rag 40-ka kalana waa haween, halka ay Somalland ugu geeriyootay Cudurka 9 Ruux, Jubbaland 3 Ruux halka Puntland 2 qofood ay u geeriyooden.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,623 xaaladood, 546 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 4,901.

Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post