1203 Views

Akhriso:-Dalalka Carabta Ee Maanta Laga Soomay Iyo Kuwa Aan Laga Soomin

Akhriso:-Dalalka Carabta Ee Maanta Laga Soomay Iyo Kuwa Aan Laga Soomin
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Dowladaha Carabta waxay xalay badankooda ku dhawaaqeen in la arkay bisha Ramadaan, isla markaana ay maanta oo Isniin tahay maalintii 1-aad ee gudashadda Waajibaadka Rabbaaniga ee Soonka.

 

Sababo dhinaca Aragti kala-duwanaanshaha ayaa waxay sababtay inay dowlado ku dhawaaqaan dhalashadda bisha Ramadaan ee sannadka 1440 ee Tirsiga Hijriyadda, halka dowlado kalena sheegeen wax u muuqda cuddur-daar ku aadan inaysan arkin bilashadda Bisha Ramadaan.

Haddaba, Aqlabiyad ahaan 18 waddan oo Carab ayaa waxaa si wadajir ah maanta looga oogay maalinta 1-aad ee bisha barakaysan ee Ramadaanka, waxayna dalalkaasi kala yihiin: Somalia,  Jabuuti, Suudaan, Masar, Sacuudiga, Qatar, Kuwayt, Imaaraadka, Lubnaan, Syria, Libiya, Tunisia, Algeria, Baxrayn, Yemen, Urdun, Iraq iyo Falastiin.

 

Dhinaca kale, dalalka Carbeed ee maanta oo Isniin ah laga soonayn waxay kala yihiin: Morooko, Saldamadda Cumaan iyo jesiiraddaha Komooros oo ku taalla K/bari ee Xeebaha Geeska Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment