1011 Views

Kolonyo gargaar bini’aadanimo u waday gobolka ay colaaduhu aafeeyeen Itoobiya oo la weeraray

Kolonyo gargaar bini’aadanimo u waday gobolka ay colaaduhu aafeeyeen Itoobiya oo la weeraray
____________________________________________________________________________

Talaado: July 20 2021

Kolonyo gargaar bini’aadanimo u waday gobolka ay colaaduhu aafeeyeen ee Itoobiya ayaa la weeraray – taasi oo sababtay dib u dhac horleh oo ku yimid dadaaladii loogu jiray in lagu caawiyo boqolaal kun oo dad ah oo wajahaya macluul daran.

Hay’adda cunada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kolonyo 10 ah lagu weeraray gobolka canfarta ee xadka la leh Tigray.

Dowlada ayaa ku eedeysay fallaagada inay weeraraan dadka rayidka ah ayna xannibayaan gargaarka inkastoo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi waxayna sheegayaan in ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka xulafada la ah Dowladda Itoobiya.

Suuragal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo faahfaahinta isku dhaca ama tirada dhimashada. Wadooyin badan oo gala gobolka Tigreega ayaa haatan gebi ahaanba la xiray.

Weriyaasha ayaa sheegaya in gobolka Canfarta uu noqday mid muhiim u ah isku xirka gargaarka ee gobolka, halkaasoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan gaajo aad u daran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post