1269 Views

Soomaaliya kaalintee ugu jirtaa dhowrista Saxaafadda guud ahaan Caalamka?.

Soomaaliya kaalintee ugu jirtaa dhowrista Saxaafadda guud ahaan Caalamka?.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF ayaa soo saaray Warbixin Sannadeedka 2020, waxaana lagu soo bandhigay qaabka ay Dowladaha Caalamka ula dhaqmaan Suxufiyiinta.

 

Ilaa 180-Waddan ayaa lagu soo bandhigay Warbixinta iyo Heerarka ay ka joogaan Xorriyadda Saxaafadda, Faaf-reebka, Jadwalka Shaqo iyo Daah Furnaanta guud ahaan Caalamka.

 

Warbixinta waxa lagu xusay in ay ogaadeen in Jawiga Warbaahinta ee Caalamka ay la mid tahay Xaallad aad khatar u ah, Xaallad dhibaataysan, Mishaakil badan, xaallad la oggolaan karo iyo Xaallad Wanaagsan oo kale.

 

 

 

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF oo la asaasay sanadkii 1985-tii, waxay Xaruntiisa Dhex ku taallaa Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

 

Qiimaynta Warbixinta waxaa lagu muujiyey in 10-ka Waddan ee Kaalimaha hore ka galay Dhowrista Xoriyadda Saxaafadda iyo Xorriyadda Hadalka ayaa kala ah Norway, Finland, Denmark, Sweden Netherlands, Jamayka, Kosta Riika, Switzerland, New Zealand  iyo Portugal.

 

Warbixin Sannadeedka Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF ee sanadkan 2020-ka waxaa si gaar ah loogu soo qaaday Xaalladda Suxufiyiinta ka hawl-gala dalalka Afrika, iyadoo la xusay in 10-kii sanadood ee la soo dhaafay lagu dilay 102 Suxufi, oo Kala-bar lagu dilay Somalia, waa sida lagu xusay Warbixinta.

 

Somalia oo Kaalinta 163-aad ka gashay Qiimeyntaasi waxay weli ka mid tahay dalalka ugu khatarta badan ee Caalamka ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta.

 

Qiimaynta Ururka RSF waxaa lagu sheegay in dalka Somalia uu hal darajo sare uga kacay Heerkii uu ku jiray Sanadkii hore, waxayna ka sara martay 17 Waddan oo kala ah: Libya, Ekwatooriyal Gini, Masar, Yemen, Azerbejaan, Baxrayn, Sacuudiga, Kuuba, Laaws, Iiraan, Syria, Vietnam, Jabuuti, Shiinaha, Eritrea iyo Turkemistaan.

 

 

 

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in dalka Namibia yahay dalka Kaalinta Koowaad kaga jirta Xorriyadda Saxaafadda ee dhamaan dalalka Afrika, halka uu dalka Eritrea ka noqday Waddanka Xorriyadda Saxaafadda ugu liita Afrika oo idil.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment