1617 Views
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 20, 2018 –  Allaha u naxariistee waxaa xalay Isbitaal ku yaalla magaalada London ee dalka Ingiriiska ku geeriyooday Wariye Yonis Cali Nuur oo mudo ku dhaw 30 sano ka tirsanaan jiray Idaacadda BBC-da.

Wariye Yoonis ayaa mudooyinkii dambe wuxuu la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland, magaalada Hargeysa, iyada oo bil kahor uu caafimaad u aaday magaalada London, halkaasi oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa waxa ay inoo sheegeen in mudooyinkii dambe uu xanuunsanayay, laba jeerna uu isbitaal ku galay magaalada Hargeysa, kahor inta aanu aadin magaalada London.

Marxuumka geeriyooday ayaa shaqada saxaafadda waxa uu ka bilaabay Radio Muqdisho, waxayna isla soo shaqeeyeen oo ay isku waqti ahaayeen Rug cadaayaal saxaafadeed oo ay ka mid ahaayeen Wariye Cowke iyo Wariye Maxamed (Teera).

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la taliye uu u ahaa Wariye Yoonis ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka, wuxuuna tacsi u diray xaasaskiisa, caruurtiisa iyo dhammaan eheladii uu ka geeriyooday.

.

Xigsho :-BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment