1191 Views

Bandhigga Caalamiga Buugaagta Hargeysa oo maanta furmay

Bandhigga Caalamiga Buugaagta Hargeysa oo maanta furmay
____________________________________________________________________________

Sabti: july 24 2021

Magaalada Hargaysa waxa maanta ka furmay bandhigga caalamiga ah ee buugaagta ee Hargeisa Book Fair, oo sannadkii hore u hakaday safmarka korona awgii. Waa bandhigii 14-aad taas oo macnaheedu yahay in bandhigani 14 jirsaday.

Bandhigan oo sannad walba lagu qabto Hargeysa dabaqayaaqada bisha Juulaay ilaa waxa ka qayb galay qoreyaasha Soomaalida ah iyo kuwo shisheeye ah ba oo ku soo bandhiga buugaata ay qoraan.

Waxa kale oo sannad walba lagu soo casuumaa dal Afrikaan ah oo la sheego inuu yahay dalka martida ku ah sannadkaas, oo qoreyaal iyo aqoon yahanno u dhashay dalkaasi ku soo bandhigaan buugaag iyo daraasaad dhaqan.

Sannadkan dalka martida ku ahi waa Itoobiya, waxaana hal ku dhigga sannadkani yahay “Derisnimo”.

Dadka ka qayb galaya waxa ka mid ah abwaannada Soomaalida kuwooda ugu magaca dheer iyo qoreyaal dalalka galbeedka ka yimid.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post