927 Views

Deni oo laga dalbadey in uu Gogol u dhigo Madaxda DFS & dowlad Goboleedyada

Deni oo laga dalbadey in uu Gogol u dhigo Madaxda DFS & dowlad Goboleedyada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talado   , March 17, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo maanta hadal ka jeedinayey xeritaanka shirka wadatashiga Puntland ayaa waxaa uu baaq u direy Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Wasiir Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame waxaa uu sheegay in uu ka codsanayo Madaxweynaha Puntland in uu Gogol nabadeed u dhigo Madaxda Dowladda Federaalka & Maamul gboleedyada si xal buuxa loo gaaro.

 

 

 

Wasiirka waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in Warmurtiyeedka kasoo bixi doono Shirweynaha Puntland oo uu sheegay in uu noqon doono mid soo afjara khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedayda qaarkood.

 

“Waxaan rajo ka qabaa in Khilaafka uu meesha ka bixi doono, waxaana ku han weynahay in shirkani uu wax walba soo afjaro,waxaana ka codsanayaa Madaxweyne Deni in uu casuumo Madaxda soomaalida si ay uga wada hadlaan khilaafka dhexdooda ah ayuu yiri”Wasiir Bidhaan.

 

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa xoogeysaty bilihii la soo dhaafay dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam,waxaana dhowr mar lagu baaqay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment