1470 Views

Wasiirka Wasaarada warfaahinta Abokor Cismaan Dubbe iyo Bahda Saxaafada oo Tacsi u diray Marxuum Ajakis.

Wasiirka Wasaarada warfaahinta Abokor Cismaan Dubbe  iyo Bahda Saxaafada oo Tacsi u diray Marxuum Ajakis.
____________________________________________________________________________

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradaasi ayaa umadda Soomaaliyeed loogu tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Majaajilihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Qoraalka ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasiir Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa Bahda Fanka iyo Warbaahinta Soomaaliyeed ugu tacsiyay geerida marxuum Ajakis oo uu ka mid ahaa islamarkaana uu muqdisho ku geeryooday goordhow.

Sidookale Waxaa tacsi loogu diray in uu Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa”. ayuu yiri Wasiir Dubbe.

“Ilaahay ha u naxariisto Cabdi Muriidi Ajakis oo kamid ahaa bahda Fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed oo goor dhoweyd ku geeryooday Muqdisho. Ilaahay ha u naxariisto, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeed na waan uga tacsidaynayaa” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Abokor Cismaan Dubbe.

Marxuubka ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, isagoo Ajakis caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta , waxa uuna  ka mid ahaa awl-wadeenada Tv-ga Universal.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post