606 Views

Wasiirka Amniga Jubbaland oo kormeer ku tagay difaaca deegaannada Buula Guduud iyo Baar Sanguni

Wasiirka Amniga Jubbaland oo  kormeer  ku tagay difaaca deegaannada Buula Guduud iyo Baar Sanguni
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Wasiirka Amniga Dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda iyo habsami u socodka howlaha difaaca ku tagay deegaannada Buula Guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga Dalka.

Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu Wasiir Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post