957 Views

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo caawa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Musharaxiinta Sheekh Shariif Axmed

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo  caawa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Musharaxiinta Sheekh Shariif Axmed
____________________________________________________________________________

May 4, 2021

Waxaa goor dhawayd oo caawa afurkii kadib ka dhacay magaalada Muqdisho kulan aan la shaacin oo ay yeesheen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Madaxweynihii hore ahna guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankan ayaa ka dhacay Hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay sheikh shariif, waxayna wararku sheegayaan inay ka wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda ka dhalatay mudo kororsiga ee ka taagan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qoraal uu kulankaas ka baahiyey maamulka gobolka ayaa lagu yiri, “Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magalaada muqdisho Mundane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa lakulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Mudane Shariif Sheikh Axmed iyagoo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga Caasimada iyo qaboojinta Xasaradaha ka soo Cusbooday Arrimaha doorashooyinka Dalka.”

Sidoo kale Inta badan dadaallada xal raadinta ah mudooyinkii dambe waxaa waday xukuumadda, hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inuu ku soo biiray maamulka gobolka Banaadir, oo horay mas’uuliyiinta ugu sareysa ay mucaaradka weerarro afka ah ugu qaadeen.

about:blank Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post