1383 Views

Sawiro:-Saraakiisha Ciidanka Booliska Oo Loo Furay Siminaar Lagu Barayo Xaquuqda Aadanaha

Sawiro:-Saraakiisha Ciidanka Booliska Oo Loo Furay Siminaar Lagu Barayo Xaquuqda Aadanaha
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 19, 2019–Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta Saraakiisha sare ee Ciidanka Booliska u furay Siminaar lagu baranayo dhowrista Xaquuqda Aadanaha Xilliyada ay ku jiraan Waajibaadka Shaqo ee loo xilsaaray.

Siminaarkaan oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa  Casharo ka bixinaya Xubin sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska oo aqoon gaar ah u leh arrimaha Xaquuqda Aadanaha..

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sharaxaad ka Warbixiyey ujeedka Siminaarkaan, isaggoo tilmaamay in Ciidanka Booliska ay yihiin xubno ka yimid Bulshadda, islamarkaana ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan Xaquuqda Aadanaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment