846 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal Beeleedyo dhacay

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal Beeleedyo dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 17, 2020–Shalay Gelinkii dambe waxaa Degaanka Abaaleey ee waqooyi Bari ee Magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dagaalka ka hadlay Maamulka G/Hiiraan.

Guddoomiye kuxigeenka dhnaca siyaasada iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdulalahi Maadeey ayaa sheegay inay nasiib darro tahay xilligaan ay dhacaan dagaal beeleedyo, iyada oo uu jiro dagaal lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in dagaal Beeleedyada ay soo abaabuleen Ururka Al-Shabaab,waxaana uu ugu baaqay labada maleeshiyo beeleed inay dagaalka joojiyaan,isla markaana miiska wada-hadalka wax walba ku xaliyaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca Dagaal Beeleedyo,waxaana jira kuwo xal laga gaaray iyo kuwo weli ay Colaadoodu taagan tahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post