1464 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magacaabay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska oo shalay iska casilay Xildhibaan CabdiFitax Ibraahim Geesey.

Xilkaan ayaa loo Magacaabay Cabdi Aadan Hoosow oo mar soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Bay ee Maamulka Koofur Galbeed.

Wareegtada Magacaabista ah ayaa Hoosow lagu faray in si deg deg ah uu Xilka Wasaaradda kala wareego Xildhibaan Cabdifitaax Geesey oo shalay kursigaan Baneeyay.

Wasiirkii Xilkaan iska Casilay Geesey waxa uu sheegay in dhibaatooyin lagu hayo Dadka Koofur Galbeed oo ah Deegaan Doorashadiisa, sidaas awgeed uu isaga casilay Xilka Wasaaradda Howlaha Guud.

Wasiirka Magacaabay ee Cabdi Aadan Hoosow waxaa horyaalla howlihii shaqo ee uu ka tagay Wasiirkii Xilka kaga horeeyay.

Aadan Isaaq Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo Warbaahinta u aqriyay wareegtada Magacaabista ayaa sheegay in Hoosow uu la yimaado Shaqo huban.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment