1656 Views

Militiriga Somalia Oo Sheegay In Talaab Laga Qaado Raga Katirsan Al Shabaab Oo Laqabto

Militiriga Somalia Oo Sheegay In Talaab Laga Qaado Raga Katirsan Al Shabaab Oo Laqabto
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 09, 2018Shir jaraa’id oo maanta ay si wada jir ah u qabteen inta badan Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah A-shabaab.

Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe; oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Milatariga Soomaaliya uusan dulqaad dambe u heyn in qof ka tirsan AL-shabab in ay qabtaan oo ay xabsi u gudbiyaan.

Indhaqarshe  ayaa sheegay in hadda kaddib xubnaha ka tirsan AL-shabaab ee la qabtotallaabo laga qaadi doono islamarkaana aan xabsi la geyn doonin, maaddaama iyaguba ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda,sidaas darteedna ay iyaguna daaweyn doonin dhaawacyada AL-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe);  ayaa isaguna xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ka dhacay shirka jaraa’id ka sheegay in Askarigii isaga oo wata dhowrka Ciidanka ee kku dhinta dagaalka AL-shabaab ay nolosha qoyskiisa damaanad qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo khamiistii la soo dhaafay Taliyayaashii Guutada 12ka April lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Daahir Aadan Cilmi; Taliyaha Milatariga ayaa goobtii lagu aasayay saraakiishaas ka sheegay in ay ka aargoosan doonaan AL-shabaab.

Shirka jaraa’id ee Taliyayaasha Ciidanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Booliska,Taliyaha Ciidanka Badda,Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka iyo Saraakiil kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment