1245 Views

Nin Somali ah oo xaaskiisa oo Koonfur Afrikan ahayd dishay kadibna wacday Booliiska isku dhiibtay.

Nin Somali ah oo xaaskiisa oo Koonfur Afrikan ahayd dishay kadibna wacday Booliiska  isku dhiibtay.
____________________________________________________________________________

 May 25 2021

 Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ganacsade Soomaali ahaa loogu geystay xaafaddda  Mayfair oo ka tursana magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika oo Soomaali badan ay nooshahay.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaas oo loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis ay fulisay xaaskiisa oo Koonfur Afrikaan ah, taas oo toogasho ku dishay, xilli uu ku sugnaa hoygiisa.

Haweeneyda dilka ka dambeysay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay dilka u adeegsatay bastoolad uu lahaa marxuumka, kadibna ay wacday Booliiska oo ay ugu dambeyn isku dhiibtay.

Laamaha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan sababta ka dambeysay dilka ay haweeneydaasi u geystay saygeeda.

Sidoo kale Dhacdadan ayaa la-yaab ugu noqtay Soomaalida kale oo si aad ah u hadal haya dilka loo geystay marxuum Cabdikariin Gigis oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Johannesburg.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post