309 Views

Muuse Biixi: “Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah”

Muuse Biixi: “Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah”
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku eedeeyay dhibaatada ka taagan Laacaanood ay ka dambeyaan waxa uu ugu yeeray “argagagixisada caalamiga ah”.

Wuxuu sheegay in muddo 10 sana ah ay falal dil ah ka geysanyeen Laascaanood si naceyb ay khalkhal ay ug abuuraan halkaas.

“Dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagagixisada caalamiga ah, dhalinyarada iyo dadkaa mudaaharaadka wada uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan jamhuuriyadda Somaliland, waxaa maanta dhagahoodu laga buuxiyay oo dhibaatada weyn abuuray argagagixisada ah caalamiga ah waxay si gaadmo ah ugu dishay muddo 10 sana ah 40 qof oo ah kuwii dowladda u shaqeynayay iyo kuwa taageera”.

Wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo nabadda dhibaatada ka taagan Laascaanood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post