438 Views

Kullamo ka bilowday Muqdisho & Wasiiro la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Kullamo ka bilowday Muqdisho & Wasiiro la kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Khamiis: AUGUST 4, 2022

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay Golaha Wasiirada kulamo xiriir ah, kuwaas oo la xiriira sidii xubnaha magacaaban ay baarlamaanka ugu heli lahaayeen codka kalsoonida.

Kullamadaan waxaa horboodaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, wuxuuna gooni gooni uu kulan u la qaadanayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku qancinaya inay ansixiyaan xukuuumadda cusub ee uu soo dhisay.

Sidoo kale, Ra’iisul Waaaaraha ayaa Xildhibaannada ugu badan ee uu kullanka la qaatay ayaa u sheegay in xukuumadda cusub ee uu soo dhisay horyaallo howlo kala duwan oo hortabin u leh Xukuumaddiisa, waxaana ugu weyn wax ka qabashada arrimaha abaaraha iyo Amniga.

Magaacabista Golaha Wasiiradda kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in golaha wasirrada ee uu soo dhisay uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.

Sidoo kale, wuxuu xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday si xushmad iyo qaddarin leh inay ansixiyaan golahan, marka la horkeeno, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo xukuumadda cusub.

Xalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe hoygiisa Muqdisho waxaa tegay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada magacaaban, kuwaas oo kasoo jeeda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post