1857 Views

Muhaajiriin laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Libya

Muhaajiriin laga soo badbaadiyey xeebaha dalka Libya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 176, 2018 –  Afhayeenka Ciiddanka Badda ee dalkaasi  Ayuub Qaasimi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA inay shalay soo badbaadiyeen 158 Muhaajiriin, kuwaasi oo ay doonidii ay la socdeen ku cilladowday meel 26 mayl ka baxsan Xeebta magaalladda Al-khonis oo 120-KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Ayuub Qaasimi waxa uu tilmamaay in Muhaajiriinta la soo badbaadiyey kala ahaayeen 115 rag, 34 haween iyo 9 carruur ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda dalal Afrikaan iyo kuwo Carbeed.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Libya waxay sheegeen inay maydadka 8 Tahriibayaal oo ku caburmay gaari xamuul laga helay magaalladda Zuwaara ee Galbeedka dalkaasi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment