2085 Views

Haan laga shakisan yahay oo ku soo caarisay xeebaha Muqdisho

Haan laga shakisan yahay oo ku soo caarisay xeebaha Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 22, 2018 – Haantaan ayaa ku soo caarisay Xeebta Sugunta liido ee degmada Cabdi Casiis maalma ka hor balse haatan dadka ay cabsi ka muujiyeen

Badi dadka u damaashaad taga xeebta ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan haantaas oo maalmo halkaasi taalla,waxaana qaarkood dadku ay cabsi ka muujinayaan maadaama aan la ogeyn waxa ku jira haantaas.

Kaluumeysatada qaarkood ayaa walwal ka muujiyey,iyaga oo sheegay in ay ku wargeliyeen hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya balse weli aysan qaadin wax tallaabo ah.

Dhowr bil ka hor ayaa haan sidaan oo kale looga shakiyey waxa ay ku soo caarisay xeebta degmada Cadale walow marki dambe ay noqotay mid faaruq ah oo aan waxba ku jirin.

haan-muqdisho-ku-caariday-2 haan-muqdisho-ku-caariday-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment