927 Views

Madaxweyne Farmaajo oo u jawaabey Madaxweynayaashii hore

Madaxweyne Farmaajo oo u jawaabey Madaxweynayaashii hore
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ku dhawaad 2000 kun ay doonayaan in ay dowladda Caqabad  ku noqdaan, qaarkoodna ay rabaan xilal.

 

 

 

Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlaayay oo ay ka mid yihiin Madaxweynaayashii hore ee Soomaaliya ku tilmaamay kuwa Xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Cabaqado oo weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale.

 

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay dhaliilo kala duwan Dowladda Soomaaliya u jeedinayeen xubno ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment