372 Views

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Itoobiya

Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee Itoobiya
____________________________________________________________________________


Sabti: April 9, 2022

Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay wararka sheegaya gabood-fallo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay ciidmada dowladda Itoobiya oo kaashanaay maleeshiyaadka Amxaarada iyo Jabhadda TPLF.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in dowladda Maraykanku ay aad uga walaacsantahay in kumannaan Itoobiyaan ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Tigray-ga lagu soo warramayo in ay weli si sharci darro ah ugu xiran yihiin galbeedka Tigray, iyada oo noloshoodu halis ku jirto.

Waxa uu Price sheegay in Maraykanku uu “aad uga xun yahay” natiijooyinkii dhawaan ay si wadajirka ah u soo saareen labada hay’adood ee hormuudka ka ah xuquuqul insaanka ee Amnesty International iyo Human Rights Watch, taas oo lagu ogaaday in rabshadaha gobolka ka dhacay ay ahaayeen isir sifeyn.

Warbixintu waxay soo bandhigtay tacadiyo ay gaysteen ciidamada gobolka Axmaarada oo gacan ka helaya ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyaad ah, iyada oo intaa ku dartay in boqollaal rayid ah oo ku nool galbeedka Tigray lagu khasbay in guryahooda ay ka baxaan, loona geystay hanjabaad, xadgudub galmo, hor istaag gargaar iyo dil aan sharci ahayn.

Waxa kale oo ay warbixinta hay’adahan muujinayeen caddaymo dhimasho ka dhacday xabsiyada galbeedka Tigray iyo kufsi wadareed ay geysteen ciidamada ammaanku.

Dowladda Itoobiya, ayaa iyana sheegtay inay si taxadar leh u baari doonto warbixintan, waxa ay sidoo kale ku dhaliishay in warbixintu ay hal dhinac u janjeerto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post