1431 Views

Al-shabaab oo Weerar ka gaysatay inta u dhaxaysa Gurceel iyo Dhuusamareeb oo ay joogeen ciidamo Macawiisley ah

Al-shabaab oo  Weerar ka gaysatay inta u dhaxaysa Gurceel iyo Dhuusamareeb oo ay joogeen ciidamo  Macawiisley ah
____________________________________________________________________________

.

May 26 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb  ayaa sheegaya in  Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay  galabta Maqribkii weerar gaadmo ah ka geystay inta u dhaxeysa  Dhuusamareeb iyo deegaanka Ceeldheere oo kala bara magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkaas uu ka dhacay Tuulo lagu sheegay Magaceeda  Xaayow oo ay ku sugnaayeen ciidan Macawiisley ah, kuwaas oo isku baheystay in wadada laamiga ah ee xariirisa Gurceel iyo Dhuusamareeb ay ka difaacaan Al-Shabaab.

Ku dhawaad 5 ka mid ah ciidanka Macawiisleyda ah ee iska abaabulay deegaankaas ayaa la sheegay in Dagaalkaas ay ku dhinteen, halka ay jiraan dhaawacyo kale iyo gaadiid meesha lagu gubay.

Sidoo kale markii  gobollada dhexe lagala wareegay ururkii Ahlu-Sunna. Kooxda Al-Shabaab ayaa culeys badan soo saartay magaalooyinka ugu muhiimsan Galgaduud ee Dhuusamareeb iyo Gurceel, waxaana cabsi lagu maraa wadada uu galabta weerarku ka dhacay ee xariirisa labadaas magaalo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post