768 Views

Qilaafkii Qoor Qoor iyo Rooble oo la xaliyay iyo Qoor Qoor oo Farmaajo u aqoonsaday Musharax Madaxweyne

Qilaafkii Qoor Qoor iyo Rooble oo la xaliyay iyo Qoor Qoor oo Farmaajo u aqoonsaday Musharax Madaxweyne
____________________________________________________________________________


isniin: September 20, 2021

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay  yeeshay kulan gaar ah oo ay heshiis uga gaarayeen madmadow waayahaan soo kala dhex-galay.

Kulanka oo u soo idlaaday Rooble iyo Qoor Qoor ayaa Wararku waxay sheegayaan in ay ka heshiiyeen xorguf siyaasadeed uu u dhaxeysay tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Madaxweyne Axmed Qoor Qoor ayaa ka mid ahaa dhinacyadii isku howlay xalinta khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, balse waxaa la sheegay inuu dhinaca Farmaajo u janjeeray, taas oo Rooble ka careysiisay. 

Sidoo kale dhinacyo kala duwan isugu jiray siyaasiyiin iyo dad kale ayaa horay ugu dhaliilay Maadaxweyne Qoor Qoor in doorkiisii saxda ahaa uusan qaadan khilaafkaas, isla markaana dhexdhexaadinta Madaxweynaha iy Ra’iisul wasaaraha uusan u gelin hab dhex-dhexaad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post