621 Views

Madaxweyne Erdogan oo shaaca ka qaaday qorshe hawada ugu dirayo dayax gacmeed Dalkiisa

Madaxweyne   Erdogan oo  shaaca ka qaaday qorshe hawada ugu dirayo  dayax gacmeed Dalkiisa
____________________________________________________________________________

.

Arbaco  10/2/2021

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday qorshe uu dalkiisa markii ugu horreysay hawada ugu diraya dayax gacmeed.

Wuxuu sheegay in sanadka 2023-ka ay dhaqan gelinayaan qorshahan oo ay cirbixiyeeno ugu dirayaan dayaxa xilliggaas oo loo dabbaal degayo 100 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aasaasay jamhuuriyadda Turkiga.

Erdogan wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha hirgelintiisa ay ka caawin doonaan dalal caalami ah oo ay saaxibo yihiin.

“Hadafkeenu ugu muhiimsan wuxuu yahay in cirbixiyeenadeena ay gaari doonaan hawada xilli la xusi munaasabadda sanad guurada 100-aad, hadduu Alle idmo waxaan gaari doonaa dayaxa” ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu dhanka kale sheegay in hadafka Turkiga uu cirbixiyeenada ugu diraya daxaya ay tahay in dalal kale la iska kaashado xoojinta teknooloojiyadda dhanka Satellite-ka ee hawada.

“Waxaan ku rajo wenahay in qorshahan uu Turkiga u horseedi doono in kaalmaha hore uu ka galo tartamada caalamiga ah ee dhanka hawada, wuxuuna noqon doona mid lagu guuleysta” ayuu madaxweynaha, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Turkiga waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay warbaahinta dalkaas, wargeyska ay leeyihiin mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynaha laga doonayay in uu diiradda saaro taakuleynta dadka tabaaleysan intii uu ku dadaali lahaa dayax gacmeed hawada loo diro.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post