1071 Views

Shil gaari oo ka dhacay Galbeedka Magaalada Melbourne ee dalka Australiaoo ay ku dhinteen somali

Shil gaari oo ka dhacay  Galbeedka Magaalada Melbourne ee dalka Australiaoo ay ku dhinteen somali
____________________________________________________________________________


Jimco: October 1, 2021

Wararka ka imaanaya dalka Australia  ayaa sheegaya in Shil gaari oo ka dhacay  Galbeedka Magaalada Melbourne ee dalka Australia, waxaana ku dhintay 5 Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Suudaan.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari weyn oo ah nooca loo yaqaano (truck) iyo Gaari yar oo ay wateen Dhalinyarada, waxaana ku dhintay laba Dhalinyaro Soomaali ah iyo Saddex u dhashay dalka Suudaan halka uu dhaawac culus uu soo gaaray Wiil Soomaali ah.

Sidoo kale Qaar kamid ah bulshadda Soomaaliyeed iyo warbaahinta magaaladda Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegaya in dhacdadaan ay aad uga naxeen, isla markaana weli baaritaano lagu haayo sida uu u dhacay Shilka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post