243 Views

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano katirsan gobolka Shabeellaha dhexe

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaano katirsan gobolka Shabeellaha dhexe
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Ciidamada dowladda Soomaaliya aya maanta Ururka Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Raageceele iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe. 

Deegaanada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen ayaa kala ah Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo ah deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Jowhar iyo Raageceele

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inaysan deegaanadaan kala kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Shabeellaha dhexe ka wada howlgallo la doonayo in ay isugu furaan degmooyinka gobalkaas ee kala xiran.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post