831 Views

Sacuudiga oo Masar ku garabsiinaya qorshaha ka dhanka ah Turkiga ee ka socda Liibiya.

Sacuudiga oo Masar ku garabsiinaya qorshaha ka dhanka ah Turkiga ee ka socda Liibiya.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 28-2020–Dr. Samiir Qudaas oo kamid ah Aqalka Hoose ee Masar oo la hadlay Teleefishinka (Al-Hadash Al-Arabiya” ayaa faah-faahiyay isbaheysiga carabta ee doonaya in ay kahortagaan qorshaha Turkiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah ururkaas.

Waxa si gaar ah u dul istaagay kulankii Magaalada Qaahira ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ka sokow in cinwaanka wada hadalka laga dhigay xoojinta xiriirka labadaan Dowladood, waxaa ku hoos-duugnaa xaaladda siyaasadeed ee looga hortagayo qorshaha Turkiga iyo ku faafitaanka dalalka Carabta.

Dr. Samiir Qudaas ayaa banaanka soo dhigay in xaaladda dalka Masar xad wadaagga la ah ee Liibiya ay isku soo hadal qaadeen, islana meel dhigeen waxa ay ka sameynayaan maalgelinta Siyaaseed ee Turkiga.

Xiriirka Masar iyo Sacuudiga xiriirkoodu waa uu wanaagsan yahay, waxaana mideeyay qorshaha ka dhanka ah Dowladaha kale ee Carabta oo isku meel ka istaagaan marka lasoo hadal qaaday qaabka isku xulufeysanayaan Wadamada Carbeed.

Sacuudiga ayaa walwalka ugu xooggan ka muujinaya Dowladaha Turkiga iyo Qadar oo marka la eego u muuqda in ay leeyihiin xiriir siyaasadeed oo ka dhan ah Boqortooyada Xukuumadda Riyaad.

Masar oo heysata ogolaanshiyo Baarlamaan, kadib markii xubno u janjeera dhanka Khaliifa Xaftar fasax u siiyeen in ay ka tallaabaan soohdinta ayaa dooneysa in ay gacanta ku dhigto meelo gaar ah sida kuwa Xeebta iyo khayraatka dabiiciga leh.

Boqortooyada Sacuudiga dhaqaale wanaagsan heysata ayaa dooneysa in ay garab istaag u muujiso Masar oo leh cudud militari oo ay uga faaiideysan karto ku jabinta qorshaha Siyaasadeed ee Turkiga.

Xildhibaan Samiir ayaa xusay in lasoo warinayo in Dowladda Turkiga ay $3 Bilyan oo doolar siisay Xukuumadda Fayez Al-Siraaj Ra’iisul Wasaaraha Liibiya si wax loogu qabto shacabka, kuna daneysato Dowladda.

Waxa uu intaa ku daray in uu socdo abaabulka kulan weyne ay isugu imaanayaan hoggaanka carabta si loo muujiyo baahida loo qabo in la farageliyo xaaladda Liibiya oo noqotay Masrax kulmiyay Dowladdo dano siyaasadeed isku haya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post