1023 Views

Dowladda Somalia oo Wafdi u dirtay Magalada Beledweyne

Dowladda Somalia oo Wafdi u dirtay Magalada Beledweyne
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ,wasiirka Boostada isgaasiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya Eng.Cabdi Cabshuur Xasan ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gar gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamuud Xasan ayaa diyaarad sida caga dhigay garoonka diyaaradaha ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne.

Xubhanaan ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gaararay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran ayaa u kuurgalaya saameynta uu wabiga shabeelle ka sameeyay qaar ka mid ah Magaalada sida bundoweyn iyo qeybo ka mid ah kanaalada dhax mara Magaalada.

Wafdi waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobolka iyo kan degmada waxaana ay kormeer ku tageen goobaha laga cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo wabiga iyagoo sidoo kale kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Saacadahii lasoo dhaafay waxaa Magaalada baladweyne ka da’ayay Roobab ma hiigaan ah waxaana lasoo sheegaya in wabiga shabeelle oo saameyay fatahaada iyadoo maalmahaan ay cabsi xoogan ka jira fatahaad u sameeyay waxaana Dowladda ay goor hore u kuur galeysa xaalada kasoo korortay Baladweyne si looga gaashaanto qasaaro ka dhasha.

 

Sanadkii tagay ayuu wabiga shabeelle fatahaa xooga sameeyay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baladweyne taasi oo sababy qasaaro isugu jira naf iyo maalba haba ugu darnaatee bur bur uu u geystay inta badan Magaaladda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment