882 Views

Wasiirka amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliye Xijaar

Wasiirka amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliye Xijaar
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 27, 2022

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Mohamed Nur ayaa waxaa uu Shaqa joojin uu ku sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Taliye Xijaar uu ku milmay arrimaha siyaasada, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka, waxaana lagu eedeeyay inuu ka shaqeynayo dano gaar ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa taliyaha ku dhaliilay inuu ku howlan yahay falal khatar ku ah badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo mas’uuliyiin sare sare oo xilal muhiim ah ka haya dalka.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad sugida ayuu amray wasiirka in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasada, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post