1062 Views

Ganacsiga Magaalada Beledweyne oo xirmay & fatahaada oo korortay

Ganacsiga Magaalada Beledweyne oo xirmay & fatahaada oo korortay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 19 2020–Dadka weli ku haray Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ee aan barakicin ayaa waxaa ay ka hadleen saameynta uu ku reebay fatahada uu Wabiga Shabelele la geystay Xaafadaha Magaalada.

Wabiga ayaa ku fatahay inta badan Xaafadaha Magaalada Beledweyne,sida Xaawa taako, Kooshin, dhagax-jebis iyo Kuntiimbo,waxaana dadka ay hoy ka dhigteen Guryo xooshado ka sameysay oo ku yaalla deegaanka Ceel-jaae ee duleedka Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah dadka ku nool Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in saameyn ballaarn uu ku yeeshay fatahaadaaha sanadkiiba tira laba jeer ah kusoo laab laabtay Magaalada Beledweyne,kaa soo sababay barakacay boqolaal Ruux.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in saameynta ugu daran ay tahay in wax Ganacsi ah uusan ka jirin Magaalada Beleweyne,sidoo kale dadka deegaanka Ceel-Jaale u barakacay ay heysato dhibaato biyo la’aaneed oo deeganka ka jirta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment