1260 Views

Saraakiishii ku geeriyootay qarixii xalay oo la Aasay

Saraakiishii ku geeriyootay qarixii xalay oo la Aasay
____________________________________________________________________________

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Qabuuraha Isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho taliyahii saldhiga Booliska Degmada Waaberi Axmed Cabdullaahi Baashane iyo Taliye xigeenkii Qeybta Waliyow cadde Gaashaanle Dhexe Cabdibaasid Maxamud Cageey , kuwaas oo ku geeriyooday qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar kamid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.

Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Aaska ka qeyb galay iyo mas’uuliyiinta kale ayaa sheegay inay aad uga nageex dilka labada Sarkaal iyo dadka kale ee qaraxa ku dhintay, iyaga oo Alle uga baryay in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Qarixii ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa inta la xaqiijiyay ku dhintay lix Ruux oo isugu jira Saraakiil, Askar iyo Shacab, waxaana laamaha Amniga sheegeen inay wadaan baritaano la xiriira qaraxa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post