843 Views

Military-ga Ingiriiska oo kacabsi qaba in ciidankoodu ku biiro dagaalka Ukraine

Military-ga Ingiriiska oo kacabsi qaba in ciidankoodu ku biiro dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________

Axad: March 6, 2022

Saraakiisha sar sare ee Ingiriiska, ayaa si dhab ah uga walaacsan in qaar kamid ah ciidamada Ingiriiska – ee kuwa joogtada ah iyo kuwa kaydka ahba – ay isku dayayaan iney ku biiraan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Toddobaadkii hore, madaxa difaaca ee Ingiriiska, Gen James Swift, ayaa farriin u direy taliska, isagoo ku nuux nuux sadey in ciidanka Ingiriiska aan “loo oggoleyn” iney ku biiraan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

Haddii uu jiro wax shaki ah oo ku saabsan in ciidamadu ay isku dayayaan iney u safraan Ukraine, ayuu yiri, waa in si deg deg ah looggu wargeliyaa qeybta adeegga booliiska.

Farriinta ayaa ka digtay in haddii qof ciidanka Ingiriiska kamid ah uu ku biiro dagaalka ka socda Ukraine, uusan naftiisa qura halis galin doonin, laakiin halkaasi uu ka abuurmi doonno fikir qaldan oo ah in Ruushku aamino in Ingiriisku usoo direy Ukraine ciidan halkaasi ka dagaalama.

Madaxa difaaca ee Admiral Tony Radakin, ayaa haatan farriintani carabka ku adkeeyey, isagoo u sheegay BBC-da iney noqon doonto “mid sharci darro ah oo aan waxtar laheyn”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post