1248 Views

SAWIRO:-Kulamo ka bilaawdey Magaalada Dhuusamareeb

SAWIRO:-Kulamo ka bilaawdey Magaalada Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayana in uu halkaasi ka socdaan kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha Maamulka Galmudug.

 

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor) Iyo Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug Cali Daahir Ciid, Ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynihii Hore ee Galmudug Axmed Ducale Geele (Xaaf)

Madaxweyne Xaaf: Galmudug waa Mid' laga bilaabo Maantana ma jiro laba Maamul oo Galmudug ah.

Posted by Universal Somali TV on Monday, April 6, 2020

 

Kulanka Waxaa Goob joog ah Xilibaanada Dowlada Faderalka ku matala Galmudug iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Galmudug,iyada oo Mas’uuliyinta ay Xaaf uga mahad celiyeen sida uu ugu tanaasuley Shacabka Galmudug.

 

Kulamadaan oo ah kuwo sii socon doona ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xilka ku wareejiyo Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor).

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment