207 Views

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar
____________________________________________________________________________

Khamiis:  January 19 2023

Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska is af-garad-ka ee iskaashiga Tiknoolajiyadda iyo Boostada ee ay horay u kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Heshiiska ay goluhu qalinka ku duugeen ayaa la filayaa in uu qeyb weyn ka qaato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayay Raysul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Raysul Wasaaraha ee xilligan, Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka dhowriska maalgashatada iyo maalgashiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post