549 Views

Dowlada Japan oo soo saartay sharci adag oo qabanaya dadka internetka dadka ka af lagaaddeeya

Dowlada Japan  oo soo saartay sharci adag oo qabanaya dadka internetka dadka ka af lagaaddeeya
____________________________________________________________________________

Sabti: June 18, 2022

Dowlada Japan ayaa qaadday talaabooyin adag oo ay wax kaga qabanayso dhibaatada ay dadkeeda kala kulmaan dhanka online-ka, sida dadka baraha bulshada dadka ku af lagaaddeeya.

Sharci lagu soo bandhigayo shuruudaha xabsiga oo qayb ka ah ciqaabaha adag ee la marsiinayo qofka dadka ka aflagaadeeya internetka ayaa laga soo saaray kalfadhiga guud ee aqalka sare ee dowalada Japan, taasoo calaamad u ah tallaabo weyn oo loo qaaday wax ka qabashada xadgudubyada dhanka internetka ah ee Japan.

Mucaaradka ugu weyn ee xisbiga Dimuqraaddiga Dastuuriga ah ee Japan iyo kuwa kale ayaa ka soo horjeestay arrintan, iyaga oo ku doodaya in sharcigan uu caburin karo dhaleeceynta loo jeediyo siyaasiyiinta dowlada iyo saraakiisha dadweynaha Japan.

Sharciga ayaa la baas mariyay, iyadoo seddex sanno kaddib dib u eegis lagu sameyn doono.

Sharcigan ayaa dhigayaa, in qofkii dhanka online-ka dadka ka caaya uu muteysan karo hal sanno oo xabsi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post