1200 Views

Duqii hore ee Muqdisho Taabit oo baaq u diray Madaxweynaha Jubbaland

Duqii hore ee Muqdisho Taabit oo baaq u diray Madaxweynaha Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 22, 2019 —Waxaa isas-taraya dadka u hambalyeynaya Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam,waxaana hambalyo iyo baaq u diray Guddoomiyihii hore ee Gobolkan Banaadir ahaana duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed.

Qoraal uu Taabit ku qoray bartiisa Facebook ayuu ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jubbaland  dib loo doortay ee Axmed Madoobe, isaga oo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo xilka lagu aaminay ee Maanta loo doortay.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Waxaan Alle uga baryayaa in xilka ummadda ee ammaanada ah u fududeeyo. Sidookale waxaan u hambalyeynayaa musharixiinta kale, si gaar ah musharax Canab Maxamed Daahir oo natiijo wanaagsan keentay, tusaale ku dayasho mudanna u horseeday haweenka Soomaaliyeed ayuu yiri Taabit.

Sidoo kale waxaa uu amaan u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland,hayadaha Amniga Jubbaland, AMISOM,waxaana uu Madaxweyne Axmed Madoobe uu ugu baqay in uu noqdo mid isku keena Madax iyo muxaafid intaba.

“Madaxweyne Axmed waxaan kula dardaarmayaa in uusan noqon Guuleyste balse noqdo Hoggaamiye isu wada keena mucaarad iyo muxaafidba maadaama labaduba ay kuwada abtirsadaan magaca Jubbaland. Sidoo kale inta samaha jecel waxay kaa rajeynayaan in aad nabadoonnimadii laguugu yaqiin wax ku xeerisid ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Madoobe”.

Dad isugu jira,. Siyaasiyiin, Xildhibaano, Mas’uuliyiin xilal haayo iyo kuwo ana heyn intaba ayaa Maanta ugu hambalyeeyay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment