1260 Views

Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugida Somalia oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 14, 2021=Ciidamada Duufaan iyo Dayax ee ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgalo lagu xaqiinayo amniga waxa ay ka sameyeen deegaano hoos yimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Degaannada howlgalka Ciidamada ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah tuulooyinka Shaataloow, jalab, Salaamac Gubad, Sanajiif iyo deegaano kale , halkaas oo la sheegay inay mararka qaar tagaan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa  hogaaminayey Taliyaha Ciidamada Nisa ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke , waxaana uu  sheegay in ay ku raad joogaan tiro ka mid ah Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka Xoolo dhaaatada ah ee ku nool tuulooyinkaas.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka xawiininayaan amniga degaannada hoostaga degmada luuq kana saarayaan Xubnaha katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalkan Ciidanka NISA ka sameeyeen degaano hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo ayaa kusoo aadaya xilli mararka qaar Al-Shabaab ay weeraro toos ah iyo qaraxyo ku qaadaan fariisimaha Ciidamada dowladda ee degaano ka tirsan Gobolkaasi Gedo.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post