1380 Views

Madaxweyne Joe Biden “Dagaalkii Afgaanistaan hadda wuu dhammaaday

Madaxweyne Joe Biden  “Dagaalkii Afgaanistaan hadda wuu dhammaaday
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 1, 2021

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan, tallaabadaas oo keentay in mintidiinta Taliban ay dib ugu soo noqdaan awoodda.

Ku sii-dheerayntu ma ahayn ikhtiyaar, ayuu Mr Biden ku yiri khudbad uu jeediyay maalin kadib markii uu dhammaaday 20-sano oo uu Mareykanku joogay Afghanistan.

Wuxuu ku ammaanay ciidammada inay abaabuleen diyaarad qaadaysa in ka badan 120,000 oo qof oo doonaya inay ka cararaan ururka Taliban.Xoogaga Islaamiyiinta ayaa u dabaal degayay wax ay ugu yeereen guul ay gaareen.

Ciidamada uu Maraykanku hoggaaminayo waxay galeen Afghanistan sannadkii 2001-dii, iyagoo ka saaray Taliban wixii ka dambeeyay weeraradii dhacay 9/11, waxaana lagu eedeeyey al-Qaacida-oo ah koox jihaad doon ah oo markaas saldhiggeedu ahaa dalkaan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Mr Biden ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay sida kadiska ah ee ka bixitaanka Mareykanka,dalka Afghaanistan taas oo horseedday burbur lama filaan ah oo ku yimid ciidammada amniga Afqaanistaan oo ciidamada Mareykanku ay tababarayeen muddo sanooyin ah . Dagaalyahannada Taliban ayay u suurta gashay inay dib ula wareegaan gacan ku haynta dalka oo dhan 11 maalmood gudahood,ugu dambayntiina waxay galeen caasimadda, Kabul, 15-kii bishii dhamaatay ee Ogoosto.

Madaxweyne Biden wuxuu geeyay Afghaanistaan ku dhawaad 6,000 oo askari si ay ula wareegaan gacan ku haynta gegida diyaaradaha ayna isugu dubaridaan daadgureynta dadka ajnabiga ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa iyo dadka reer Afghanistan ee u shaqeynayay.Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay garoonka diyaaradaha ee Kabul iyagoo rajaynayay inay raacaan mid ka mid ah duulimaadyada daadgureynta.

Khudbaddii uu jeediyay Mr Biden wuxuu ku ammaanay ciidammada daad gureynta ballaaran sameeyay wuxuuna ballanqaaday inay sii wadi doonaan dadaallada lagu soo saarayo dadka Mareykanka ah ee weli ku sugan Afgaanistaan oo doonaya inay ku laabtaan dalkooda kuwaas oo lagu qiyaasay in ay gaarayaan ilaa 200 oo qof.

Balse hoggaamiyaha Mareykanka ayaa si adag u difaacay tallaabadii uu uga baxay dalkaas.”Dagaalkii Afgaanistaan hadda wuu dhammaaday” ayuu yiri Mr BidenWuxuu sheegay in Mareykanku uusan u baahnayn ciidamo dhulka jooga si ay isku difaacaan.

Mararka qaarkood wuxuu u muuqday Madaxweynuhu isaga oo sii wada difaacidda go’aankiisa in dadka Mareykanka looga digay marar badan inay ka baxaan Afgaanistaan ​​ka hor bixitaankii militariga Mareykanka ee bishii Ogoosto. Wuxuu ku eedeeyay hogaamiyayaasha Afgaanistaan, iyo xulafadooda uu Mareykanku ku tiirsanaa, “musuqmaasuq iyo wax isdabamarin”.

Ra’yi ururin dadweyne oo la sameyay ayaa muujineysa in dadka Mareykanka ay wali taageerayaan ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan, in kasta oo dad badani aysan ku qanacsanayn sida Biden u maareeyay arrinta ka bixitaanka. Saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegaya inay rajaynayaan, marka wakhtiga la dhaafo inay dadku u mahadcelin doonaan madaxweynaha iyagoo garwaaqsanaya waxa uu madaxweynuhu qabtay.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post